Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta written by Warsan Radio 24/12/2022 Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysay baaqii ay soo saartay 11/ 12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.Shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.Bahda Sports-ka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhoweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore . Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta was last modified: December 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wafdi ka socda TPLF oo kusii jeedda gobolka Tigreega next post Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan You may also like Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabay Guddoomiyiha Gobolka Bay 03/07/2021 Maraykanka oo dhaqaalihii ka jaray Hay’adda UNRWA ee reer Falastiin 01/09/2018 Israa’iil oo baahisay Muuqaalka Falastiiniyiin dharka laga dhigay 11/12/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/01/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/07/2021 Boqollaal Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza 08/12/2023 Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya 19/06/2022 Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo ka socda Basra 12/08/2023 Maraykanka oo walaac ka muujiyay kalsooni kala noqoshadii Ra’iisul Wasaare Kheyre 26/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/11/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.