Madaxtooyada oo ka hadashay wararka sheegaya inay wada-hadallo soo codsadeen Al-Shabaab written by Warsan Radio 08/01/2023 Kadib markii shalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim uu goob fagaaro ah ka sheegay in Al-Shabaab ay soo codsadeen in wada-hadallo lala galo ayna soo dhawey ayaan marka laga reebo kuwa Ajaanibta ah ayaa waxaa Warkaasi beenisay Madaxtooyada Soomaaliya.Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah Al-shabaab.Lataliyaha oo la hadlayay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in qorshahooda aysan kujirin inay wada-hadal la galaan Al-Shabaab, hayeeshee shaqasiyaadka doonaya inay kasoo baxaan Al-Shabaab la marsiin doono nidaam u degan dowladda.“Dowladda waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jirno, waxaana la marin doona qofki shabaab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.Hadalka kasoo yeeray dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli shalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga uu sheegay inay wada-hadal soo codsadeen Al-Shabaab, balse dhankooda ay warkaasi beeniyeen. Madaxtooyada oo ka hadashay wararka sheegaya inay wada-hadallo soo codsadeen Al-Shabaab was last modified: January 8th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaallada dalka Ukraine next post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Masar You may also like Dhageyso:Howlgalo Kadhan Ah urarka Al Shabaab Oo Dhawaan Laga Bilaawi Donaa Qeybo Katirsan Gobolka Baay 20/07/2016 Madaxweyne Xasan sheekh oo dhiirageliyay doorka Haweenka ee la dagaalanka Alshabaab 24/08/2023 Madasha Xisbiyada Qaran oo ku tilmaamay xilka qaadista Kheyre Muddo Korosi Bilowgiis 25/07/2020 Shacabka magaaladda Beledweyne oo wajahaya xaalado adag 07/06/2020 Dhageyso:-ku celiska Barnaamijka wax soo saarka oo looga hadlaayo cimilada isbadasha. 19/10/2021 Danjire Jabriil oo daaffuray Xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed 14/05/2024 Sheekh Caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho 13/02/2023 NATO oo diiday dalab uga yimid Ruushka 11/12/2021 RW Somaliya oo madaxa WHO ka hadlay arrimo xasaasi ah 03/05/2020 DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO WARSAN 08/03/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.