Madaxtooyada oo ka hadashay wararka sheegaya inay wada-hadallo soo codsadeen Al-Shabaab written by Warsan Radio 08/01/2023 Kadib markii shalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim uu goob fagaaro ah ka sheegay in Al-Shabaab ay soo codsadeen in wada-hadallo lala galo ayna soo dhawey ayaan marka laga reebo kuwa Ajaanibta ah ayaa waxaa Warkaasi beenisay Madaxtooyada Soomaaliya.Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah Al-shabaab.Lataliyaha oo la hadlayay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in qorshahooda aysan kujirin inay wada-hadal la galaan Al-Shabaab, hayeeshee shaqasiyaadka doonaya inay kasoo baxaan Al-Shabaab la marsiin doono nidaam u degan dowladda.“Dowladda waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jirno, waxaana la marin doona qofki shabaab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.Hadalka kasoo yeeray dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli shalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga uu sheegay inay wada-hadal soo codsadeen Al-Shabaab, balse dhankooda ay warkaasi beeniyeen. Madaxtooyada oo ka hadashay wararka sheegaya inay wada-hadallo soo codsadeen Al-Shabaab was last modified: January 8th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaallada dalka Ukraine next post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Masar You may also like Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka 13/11/2023 Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada Afrika 30/08/2022 Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Kulmay Ku-Xigeenka Safiirka Talyaaniga Ee Soomaaliya “SAWIRRO” 08/08/2020 Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Ingiriiska? 27/11/2023 Ruushka oo dhoolatus militari ka bilaabay dalka Belarus 11/02/2022 Tirada Dadka Cudurka Coronavirus Dunida uu Ku Dhacay oo Ka Sare Maratay 7 Milyan 08/06/2020 DHAGEYSO: Warka Galab ee Idaacada Warsan 31/03/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 30/09/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 18/07/2019 Taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo kormeeray Xarumaha Ciidamada ee Dhuusamareeb 03/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.