WRB:Wararka goordhow kusoo dhacay warqabadka Idaacada Codka Gobolada Dhexe ee magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Wasiir dowlihii wasaarada Maaliyada Galmudug Axmed Claahi Diiriye iyo wasiir dowlihii wasaarada dib u dhiska iyo howlaha guud ee Galmudug Aweys Cali Siciid ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Sadex Higlo oo u dhow magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale shilka gaari ayaa waxaa ku dhintay nabadoon caan ka ahaa koonfurta magaalada Gaalkacyoay laguna magacaabi jiray Nabadoon Claahi Yuusuf (Nabadoon Digsi) iyo askari iyadoona meydkooda loo qaaday magaalada Gaalkacyo.
Masuuliyiin geeriyootay ayaa ka ambabaxay magaalada Cadaado balse gaariga ayaa kula rogmaday deegaanka Sadex Higlo ee gobolka Mudug
Allaha u raxariista samir iyo iimaana allaha kasiiyo dadkii ay ka geeriyoodeen