Ciidamada dowladda oo ka jawaabay weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaay written by Warsan Radio 06/06/2023 Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka gor gor ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada galad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka sigaar ah looga fuliyay degaanada ka ah Ceel hareeri & Meexaan oo hoostaga Degmada galacad ee gobalka Galgaduud.Waxaa ay intaaski ku dareen hadalkooda Saraakiisha in ujeedka howlgalka uu ahaa inay ka jawaabaan weerarkii Al-Shabaab ay dhawaan ku qaadeen degaamka Masagawaay oo hoostaga degmada Ceeldheer, halkaas oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii socon donaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo degmooyinka iyo degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur Galhareeri, Wabxo iyo degaannada kale ee Gobolkaas.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo xoogan iyo u diyaar garoowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro degmooyinka ay weli ku harsan yihiin.Howlgalkan ay Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka gor gor ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Galcad ayaa kusoo aadaya xilli ay istaageen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab wallow madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay dib u billaaban doonaan. Ciidamada dowladda oo ka jawaabay weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaay was last modified: June 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Warsan next post Dhageyso: Wraka Duhurnimo ee Idaacada Wrasan You may also like Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada Afrika 30/08/2022 Dhageyso:-Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulaahi (Dr. Go) oo ka hadlay Kalfadhigii B.F.S sababtii uu u baaqday. 11/09/2017 Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhabo 19/12/2022 Hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka oo xaaladdiisa Caafimaad laga dayrinayo 22/08/2020 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 23/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/08/2021 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo bilaabay kulamo looga hadlaayo go’doominta Shabaab ee Xudur 30/10/2021 Kheyre oo war kasoo saaray heshiiska ay gaareen Farmaajo iyo madax goboleedyada 17/09/2020 Ciidanka Xoogga Dalka oo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Baay (Sawirro) 20/06/2021 Wufuud Caalami ah & Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kusoo wajahan Muqdisho 08/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.