Ciidamada dowladda oo ka jawaabay weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaay written by Warsan Radio 06/06/2023 Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka gor gor ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada galad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka sigaar ah looga fuliyay degaanada ka ah Ceel hareeri & Meexaan oo hoostaga Degmada galacad ee gobalka Galgaduud.Waxaa ay intaaski ku dareen hadalkooda Saraakiisha in ujeedka howlgalka uu ahaa inay ka jawaabaan weerarkii Al-Shabaab ay dhawaan ku qaadeen degaamka Masagawaay oo hoostaga degmada Ceeldheer, halkaas oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii socon donaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo degmooyinka iyo degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur Galhareeri, Wabxo iyo degaannada kale ee Gobolkaas.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo xoogan iyo u diyaar garoowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro degmooyinka ay weli ku harsan yihiin.Howlgalkan ay Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB iyo Ciidanka gor gor ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Galcad ayaa kusoo aadaya xilli ay istaageen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab wallow madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay dib u billaaban doonaan. Ciidamada dowladda oo ka jawaabay weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaay was last modified: June 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Warsan next post Dhageyso: Wraka Duhurnimo ee Idaacada Wrasan You may also like Akhriso+Sawiro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Madaxda iyo Saraakiisha sare ee AMISOM 17/03/2018 Dhageyso:-wareysi Xildhibaan Afaraale.Xudur Jooga 18/09/2017 Soomaaliya & Itoobiya oo ay ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 09/01/2022 Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga doorashooyinka 21/02/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 03/01/2021 Wararkii ugu dambeeyay Dagaal beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay Galgaduud 27/06/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 23/01/2023 Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho 22/01/2020 Dhagayso:- Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/09/2018 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.