Xaalad kacsan ayaa ka taagan dalka Ruushka oo xilligan dagaal kula jira Ukairine, kadib markii madaxda Shirkadda dagaalamayaasha Wagner ee lagu magcaabo Yevgeny Prigozhin (Yefgeni Birigoshin) uu ku eedeeyay madaxda Wasaaradda Difaaca Ruushka inay duqeeyeen ciidamadiisa.
Khilaafkan oo muddo dheer u dhaxeeyay milkiilaha shirkadda Wanger iyo Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay markii dagaalamayaasha kooxda Wanger ay saaka la wareegee qeybo ka mida magaalada Rostov ee u dhow xuduudka Ukraine.
Yevgeny Prigozhin wuxuu ku hanjabay in haddii aan la casilin Wasiirka Difaaca iyo taliyaha ciidamada Ruushka uu ciidamadiisa La geli doono caasimadda Ruushka ee Moscow.
Dhinaca kale caasimadda Ruushka ayaa lagu ciidamo badan oo wadooyinka lasoo dhigay, iyadoo La xiray wadadda u dhaxeysa magaalada Rostov iyo Moscow.
Xaaladda ka dhex taagan dagaalamayaasha shirkadda Wagner iyo Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ka sii dareysa.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo goor dhoweyd khudbad jeediyay ayaa sheegay inay wajahayaan Gadood Ciidan iyo khiyaano Qaran oo lagu doonayo in lagu kiciyo fowdo iyo dagaal sokeeye oo Ruushka ka dhaca.
Madaxweyne Putin wuxuu sheegay kooxda Wagner ay u dagaalantay Ruushka, balse damac ay leeyihiin shaqsiyaad ay isu bedeleen inay Ruushka Dhabarka ka toogtaan, isagoo ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan, haddii aysan joojin fowdada ay wadaan, dibna ugu laaban xarumahoodii
Wararkii ugu danbeeyay ee dalka Ruushka ee hadda soo dhacaya ayaa sheegaya inay dagaalamayaasha Wagner ay la wareegeen magaalada Voronezh oo ku taalla Koonfur Galbeed.
Dagaalamayaasha iskood u shaqeysta ee shirkada Wagner waxay si weyn uga dagaalameen dalka Ukraine, iyagoo gacan siinaya ciidamada Ruushka, iyadoo dib u qabsaday magaalada Bakhmut ee sida xun loogu dagaalamay.
Shirkadda Wagner oo Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa waxay leedahay ciidamo u gaara oo ka howlgala dalal ku yaalla Afrika iyo Latin America, waxayna ka dagaalameen dalalka Libya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali iyo Sudan.