Millateriga Somaliland oo shaaciyay sababta keentay in ay ka baxaan guddaha Laascaanood written by Warsan Radio 05/01/2023 Sarkaal u hadlay Ciidamada Millateriga Somaliland ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay magaalada uga baxeen si ay uga fogaadaan in khasaaruhu sii bato.Sarkaalka millateriga u hadlay ayaa sheeegay in ay ka xunyihiin dilka ciidanku u gaystay Maxamed Cali Saadle oo kamid ahaa shacabka Laascaanood, isaga oo sheegay in anay arrintaasi ahayn mid badheedha.Sarkaalka ayaa bulshada reer Laascaanood ugu baaqay in aan nabadgalyada la khal khalin, isaga oo sheegay in askartii dilka gaysatay xabsiga loo tabaaxay cadaaladana la horgayn doono, waxa uu sheegay in askarta Saadle dishay ay ku andacoodeen in uu isagu qori kusoo weeraray.“Arrinta xalayto dhacday ciidanka qaranka ayay ka dhacday, cidii ay ka dhacdayna gacanta ayaanu ku haynaa oo way xidhanyihiin, wixii ay yeeshaana maxkamad ayaa la gayn doonaa … laba nin ayaanu arrintaa u haynaa waxay sheegayaan in uu isagu kaga horeeyay” ayuu yidhi.Waxa uu sheegay in ciidamadu ay xalay ka baxeen magaalada, kadib markii dilku dhacay si aanay dhibaatadu inta uga badan, waxa uu intaa ku daray in odayaashu dhaqanku ay u sheegeen in ay arrinta xalinayaan isaga oo sheegay in hadii odayaashu ay amniga ku guulaysan waayaan uu ciidanku magaalada ku noqon doono.Magaalada Laascaanood ayaa xaalad qalalaase ah ku jirtay kadib dil dablay aan la aqoonsani ay u gaysteen mid kamid ah dhalinayarada magaalada dhamaadkii bixii December, ciidamada ayaa daraasiin shacab ah ku laayay isku dhac dhexmaray dad dalbanayay in dilalka wax laga qabto.Magaalada oo daganayd labadii cisho ee u danbeeyay, ayuu markale xalay ka qarxay isku dhac u dhexeeya millateriga iyo shacab hubaysan oo ka gadooday dilka Saadle, intaa kadibna ciidanka ayaa magaalada dibada uga baxay, waxaana magaalada maanta gacanta ku haya dad shacab ah oo hubaysan. Millateriga Somaliland oo shaaciyay sababta keentay in ay ka baxaan guddaha Laascaanood was last modified: January 5th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada next post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan You may also like Maamulka Jubbaland oo sheegay inay howgal kudileen Saraakiil & Xubno katirsan Al-Sabaab 04/02/2023 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 17/01/2017 Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxayo heshiiska xakameynta diyaaradaha hubeysan uu horay u galay 22/05/2020 Akhriso:-Mahdi Guuleed oo dhahay Waxaan qorsheynay inaan kul siino madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi 22/09/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/11/2019 Dhageyso;-Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 04/08/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 15/08/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/12/2022 Dowladda Israel oo si adag uga hortimid codsi ay dowladda Qatar u dirtay Mareykanka 13/10/2020 Maamul cusub oo loo magacaabay Degmo ka tirsan Gobolka Gedo (Wareegto) 01/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.