Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada written by Warsan Radio 05/01/2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax-qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowladda.Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas’uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deeganada laga saaray Al-Shabaab, iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada was last modified: January 5th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Odayaal & Waxgarad ku dhawaaqay in Somaliland u ogolaan doonin Magaalada Laas-Caanood. next post Millateriga Somaliland oo shaaciyay sababta keentay in ay ka baxaan guddaha Laascaanood You may also like Wararkii ugu dambeeyay Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. 04/04/2019 Shiinaha oo siidaayay Askar iyo Saraakiil u dhashay Hindiya 20/06/2020 Taliska Booliska oo shaaciyay tirada dadkii ku dhintay Weerarkii Hotelka Pearl Beach 10/06/2023 Golaha Wadatashiga Qaran oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka 24/08/2021 Dhageyso:-Xildhibaan Idiriis Abdi taq tar oo kamid ah Xildhibaanada Dowlada fadaralka somaliya ayaa waxa uu ku Deyriyey halada Abarta Ka jirta Gobolka bokol Xili uu safar ku Tagey halkaasi 15/02/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/11/2019 Shirka Golaha wadatashiga oo ka furmaayo dhuusamareeb & laftagareen oo gaaray 25/08/2023 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 29/09/2022 Hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha UK oo cara xoogan ka dhex abuuray Midowga Yurub 20/03/2022 Diyaarado joog hoose ku socday ayaa duqeyn ka geystay degaano ka tirsan Gobolka Gedo 26/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.