Dawlada Shiinaha ayaa dib u sii daysay Askar iyo Saraakiil ay ku qabteen, dagaal dhex maray dawlada Shiinaha iyo Hindiya.
Askartan ayaa waxa ay gaarayaan 8 Askari oo labo kamid ah ay yihiin Saraakiil sare oo hoggaaminayay dagaalka dhex maray labada dalka.
Isniintii toddobaadkan ayay ahayd markii, ay ciidamo kala taabacsan labada dhinac ku dagaalameen xadka ay wadaagaan labada dal, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen 20 kamid ah Askarta dawlada Hindiya.
Siideyntan ayaa salka ku haysa, kadib wadahadal ay wada galeen dalal aan la shaacin magacyadooda, balse xiriiro wanaagsan la leh labada dhinac.