Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay xasilinta degaannada laga saaray Al-Shabaab written by Warsan Radio 03/07/2023 Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kulan gaar ah ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka ATMIS iyo Taliyaha Booliska ATMIS.Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ee ka socda deegaannada cusub ee dhowaan la xureeyay ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla Gobolada dalka Soomaaliya.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay Madaxda howlgalka ATMIS taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo ka caawinta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.Dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in Ciidamada ATMIS ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa Ciidamada dowladda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.Soomaaliya ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamo kumanaan gaaraya oo ka socda qaar kamid ah wadamada Afrika, iyaga o ku howlgallka Magaca ATMIS, kana taageera dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay xasilinta degaannada laga saaray Al-Shabaab was last modified: July 3rd, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Bandhiga Idaacada Warsan next post Kulamo xal loogu raadinayo khilaafka Deni iyo mucaaradka oo billaanaya You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay 12/07/2022 Maamulka Puntalnd oo ka jawaabtay hadal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya 21/08/2020 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/12/2019 Jubaland oo shaacisay in shuruud la’aan uga qeyb galayaan Shirka uu ku baaqay Rooble 03/05/2021 Dhageyso:-Dagaal Ka dhacay Deegaanada Xoos Yimada Degmada qansax dhere Ee Gobolka Bay 01/02/2017 Trump Oo Wacad Ku Maray Inuu Soo Laaban Doono 21/01/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 09/08/2021 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 24/08/2022 Weerar culus oo lagu qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso 05/03/2021 Xuseen Macalin oo ka hadlay sababta ay u hakadeen howlgaladii socday 22/12/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.