Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliya ayaa shahaado ku xirtay ganacsatada iyo shakhsiyaadka kale ee badeecada iyo alaabaha kale soogalinaya dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adaas.Bayaankan ayaa lagu sheegay in ‘dhamaan shirkadaha,Ganacstada , hay’addaha caalimiga ah iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee kala soo daga alaabaha kala duwan Dekeda Muqdisho iyo Airport Aadan Cade ay layimaadaan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Taya-dhowrka.’Hay’adda Taya-dhowrka ayaa sidoo kale sheegtay ‘in ciddii aan la ilmaan shahaadan laga bilaabo kowda bisha soo socota ee September ay ciqaab iyo ganaax lacageed muteysan doonaan.