Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa maanta loo doortay Shir gudoonka kulan weynaha 70-aad ee hayโadda Caafimaadka aduunka WHO/ EMRO kaas oo ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Caafimaadka ee dawladaha ku midoobay Xafiis goboleedka EMRO, agaasimaha Guud ee Heyโadda Caafimaadka aduunka Dr. Tedros, agaasimaha guud ee xafiis goboleedka EMRO Dr Ahmed Almandari, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Danjire Ilyees Sheekh Cumar, madaxda Heyโadaha Qaramada midoobay ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka iyo marti sharaf kala duwan ayaa waxaa diirada lagu saaray ka hortaga Cudurada faafa, talaalka Caruurta iyo daryeelka Hooyada & dhalaanka si loo helo bulsho Caafimaad qabta.Wasiirka Caafimaadka Xukuunadda Federaalka Soomaaliya oo la wareegay hogaaminta shirka ayaa goobta ka jeediyay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan muhiimada ay u leedahay u diyaar garowga xaaladaha Caafimaad ee deg dega ah iyo sidoo kale xakameynta Cudurada faafa, wasiirka ayaa ugu baaqay wadamada ku bahoobay Urur goboleedka EMRO in ay iskaashi iyo wada shaqeyn kayeeshaan sidii loo tayeyn lahaa adeegyada Caafimaad ee ay Wasaaradaha Caafimaadka bixiyaan.Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโan helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.