Kooxo la sheegay in ay ahaayeen burcad hubeysan ayaa xaafada Miriq Miriq ee degmada Dayniile ku dilay ninkii magaca xaafadaasi loogu magac daray ee Xasan Shiilow Casir (Miriq Miriq).
Burcada dilka geesatay ayaa la sheegay in marxuumka ku dhufteen dhowr xabadood, waxa ayna burcadan oo watay qoryo dilka kahor xaafadaasi ka geesteen dhac ay shacabka uga qaadanayeen telfoonnada.
Ciidamo katirsan laamaha degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay gaareen halka uu dilka ka dhacay, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan Kooxihii dilka geystay.
Goobjoogayaal ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay dad aad u farabadan Mobeelo uga dhaceen xaafada Miriq Miriq ee degmada Deeyniile, isla markaana maalmihii la soo dhaafay ay jirtay cabsi xoogan.
Waxaa ay ka dalbadeen laamaha Amniga Gobolka Banaadir in arrintaan wax laga qabto maadaama falalka amni darro ee ka dhacaya degmada Deeyniile ay kordheen bilihii la soo dhaafay.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen meelo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa ay dhowr jeer kusoo qabteen Kooxo Burcad ah oo qaarkood askar ahaa, kuwaas oo dhac u geysanayay dadka shacabka ah