Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS written by Warsan Radio 13/12/2023 Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka Soomaaliya ugu saxiixay heshiis saddex geesood ah oo ay wada galayeen DFS, UNSOS iyo ATMIS, kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya.“Waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”. ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu shalay ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya. Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS was last modified: December 13th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo Shixnado gargaar ah u dirtay Gobolka Hiiraan next post Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza You may also like Laamaha Amniga oo soo bandhigay haweeney ku eedeysan dilka Wiil uu dhalay Ninkeeda 14/05/2023 Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka “Waxaan Soodhaweynayaa Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka” 16/11/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 30/06/2020 Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in shaqaalaha rayidka ah la fasaxay, lana joojiyey nooc walba oo isku imaatin ah, si looga hortago faafitaanka Covid19. 17/02/2021 Akhriso:-Safiirkii Soomaaliya ee Iskutaga Imaaraadka Carabta oo xilka iska wareejiyay 10/01/2018 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 29/10/2022 Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Gaartay Taiwan 03/08/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/02/2022 Dowladaha Masar iyo Uganda oo iska kaashanaaya amniga iyo sirdoonka 09/04/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 02/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.