Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS written by Warsan Radio 13/12/2023 Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka Soomaaliya ugu saxiixay heshiis saddex geesood ah oo ay wada galayeen DFS, UNSOS iyo ATMIS, kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya.“Waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”. ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu shalay ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya. Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS was last modified: December 13th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo Shixnado gargaar ah u dirtay Gobolka Hiiraan next post Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza You may also like Maxkamadda CQS oo Xukun ku riday koox Burcad ah 25/02/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha & waxgaradka degmada Maxaas 06/09/2023 Madaxweyne Farmaajo oo Xeer Madaxweyne ku dib dhigay Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka 24/12/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacda Warsan 26/09/2020 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 13/07/2022 Wasiirka Hawlaha Guud ee XfS oo kulan la yeeshay shirkadda dhisaysa Waddada Muqdisho iyo Afgooye 08/12/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 02/07/2021 Ra’iisul Wasaare Xamse oo Magacaabay Xubno Wasiiro ah 03/05/2023 Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Xasan Abshir Faarax 13/07/2020 Xuska maalinta Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho lagu qabtay 28/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.