Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed oo uu saarnaa culeyska lacag dhan $5.2Billion.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey guushan weyn ah, ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan. taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamse , ayaa xusay in xalay ay ummadda Soomaaliyeed u ahayd habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii ka hortaagnayd dalka horumarka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.
Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo laga soo bilaabo sanadkii 2013 oo ay Soomaaliya bilowday geeddigan ay ku dalbanayso in deynta looga cafiyo.
Xukuumadda #Dan-Qaran ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay xaqiijisay guulo-waaweyn oo ay kamid yihiin dagaalka Khawaarijta ee mid fikir, dhaqaale iyo ciidanba, Ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), qaadista Cunaqabateynta hubka, iyadoo ay miiska saaran yihiin, xoreynta qeybaha dhimman ee dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga, bixidda ATMIS iyo qabyo-tirka Dastuurka KMG oo kamid ahaa wax yaabihii ay xukuumaddu horgeysay Baarlamaanka.