Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay deynta laga cafiyay Soomaaliya written by Warsan Radio 14/12/2023 Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey guusha deyn cafimta ee Soomaaliya ay maanta gaartay.“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee ku aaddan dhammeystirka halganka deyn cafinta Soomaaliya oo maanta uu qiray Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka in la gaaray bar-dhammaadkii dayn cafinta” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.Mar kale wuxuu yiri Farmaajo:“Qorshaha Qaran ee deyn cafintu, waxa uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan. Hoggaamintaydii waxay suurta galisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha dayn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray”.“Waxaa kale oo barbar socdey kordhinta dakhliga gudaha, joogtaynta iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada; dhaqan gelinta Sharciga Maamulka Maaliyadda ee dalka (PFM), hagaajinta Sharciga Iibka Qaranka iyo dib u eegista heshiisyo hore loo galay oo aan waafajinnay danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dadaalladaas oo aan sanadkii 2020 ku soo gaarnay marxaladda muhiimka ah ee (decision point” ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo.Madaxweyne Farmaajo ayaa talo usoo jeediyey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.“Maadaama dalku uu galayo marxaladda dhammaystirka dayn cafinta, waxaa muhiim ah in si taxadar leh loo wajaho heshiiyada dayn qaadashada cusub oo ah masuuliyad qaran, ayna waajib ku tahay Baarlamaanka in ay si buuxda u kor joogteeyaan, iyadoo lagu saleynayo baahiyaha mashaariicda horumarineed ee dalkeenna”. Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay deynta laga cafiyay Soomaaliya was last modified: December 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post R/ Wasaare Xamse: Waa guul in culeyska lacag dhan $5.2Billion nalaga Cafiyay . next post Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug You may also like Putin oo socdaal ku tagay Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga 07/12/2023 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS. 13/02/2017 Dhageyso:-Brnmshka Ciyaaraha Warsan Suldaan Bishaar Mayow, 18/01/2017 Urur udooda xuquuqda naafada Soomaaliyeed oo cambaareeyay dilkii gudoomiyihii naafada Baydhabo 02/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/06/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 22/01/2020 Daawo sports oo Laga Wareystay wasiir ku xigeenka sportska Koonfur Galbeed Soomaaliya attaka aadan 28/07/2016 Dhageyso+Sawirro:-Wafdi balaaran oo ka socda Jubaland oo Xariga ka jarey Mashaariic horomarineed oo laga hergeliyey degmada Baardheere 30/04/2018 Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Warsan 16/05/2023 Akhriso:-Saameynta ka dhalan karta Xiriirkii loo jaray dowladda Qatar (Warbixin) 05/06/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.