Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay deynta laga cafiyay Soomaaliya written by Warsan Radio 14/12/2023 Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey guusha deyn cafimta ee Soomaaliya ay maanta gaartay.“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee ku aaddan dhammeystirka halganka deyn cafinta Soomaaliya oo maanta uu qiray Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka in la gaaray bar-dhammaadkii dayn cafinta” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.Mar kale wuxuu yiri Farmaajo:“Qorshaha Qaran ee deyn cafintu, waxa uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan. Hoggaamintaydii waxay suurta galisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha dayn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray”.“Waxaa kale oo barbar socdey kordhinta dakhliga gudaha, joogtaynta iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada; dhaqan gelinta Sharciga Maamulka Maaliyadda ee dalka (PFM), hagaajinta Sharciga Iibka Qaranka iyo dib u eegista heshiisyo hore loo galay oo aan waafajinnay danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dadaalladaas oo aan sanadkii 2020 ku soo gaarnay marxaladda muhiimka ah ee (decision point” ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo.Madaxweyne Farmaajo ayaa talo usoo jeediyey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.“Maadaama dalku uu galayo marxaladda dhammaystirka dayn cafinta, waxaa muhiim ah in si taxadar leh loo wajaho heshiiyada dayn qaadashada cusub oo ah masuuliyad qaran, ayna waajib ku tahay Baarlamaanka in ay si buuxda u kor joogteeyaan, iyadoo lagu saleynayo baahiyaha mashaariicda horumarineed ee dalkeenna”. Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay deynta laga cafiyay Soomaaliya was last modified: December 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post R/ Wasaare Xamse: Waa guul in culeyska lacag dhan $5.2Billion nalaga Cafiyay . next post Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug You may also like Saaxiibada Beesha Caalamka oo Walaac ka muujisay qaabka loo maareeyay doorashadii Aqalka Sare 26/08/2021 Buundo ku taalla Magaalada Muqdisho oo dab la qabadsiiyay 21/08/2023 Maxuu yahay ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka? 27/09/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 12/11/2021 Dhageyso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 08/10/2021 Xaafada Bardaale oo Caawa tartan aqooneedka Radio Warsan ka hartey 27/04/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 20/06/2022 Xukun lagu riday Nin dil iyo dhac u geystay Muwaadin Soomaaliyeed 16/03/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 28/12/2019 Taliska Hawlgallada Mareykan ee Afrika oo sheegay in Saraakiil Al-Shabaab ah ay u dhinteen COVID-19 15/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.