Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane;Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo,halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Wasiirka iyo xubnihii Safarkiisa ku wehliyay ayaa soo dhawaynta ka dib, waxay kulamo la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyagoo kala sheekeystay xaaladihii ugu dambeeyay ee Jubbaland.
Degaannada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa hodan ku ah Shidaalka iyo Macdanta,waxaana Kulanka madaxda qayb ka ah qaabkii loo wajihi lahaa ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalka Gaar ahaan Dhulka uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.