ka dib kulan ay yeesheen Madax ka tirsan Midowga Afrika ayay ku balan qaadeen in ay bixin doonaan Mushaarka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Waxa ay sheegeen in ay ciidanka AMISOM ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhanka mushaarka.
Dhawaan warbixin cusub oo kusaabsaneyd ciidanka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu shaaciyay in aysan Mushaar qaadan ciidanka AMISOM Muddo dhowr bilood ah.
Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ay laba jibaari doonaan dalalka Caalamka taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.
Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ciidamada AMISOM ay ka taageeraan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyaan amniga doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan Soomaaliya bilaha fooda nagu soo haya.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynaayaan in ciidanka AMISOM ay si weyn uga qeyb qaataan sugitaanka amniga goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa jooga ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda Qaar ka mid ah dalalka Afrika , kuwaa soo dagaal xooggan kula jira ururka Al-Shabaab.
Midowga Afrika oo bixinaya mushaaraadka Ciidanka AMISOM
previous post