Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari ayaa warqad waaran oo xarig ah u jartay Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim Xarago iyo 3 Oday dhaqameedyo kale oo la amray in la soo xiro kuwaas oo lagu eedeeyay qodobada 454-451, 164-168 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa lagu amray in uu soo xiro odayaasha, sidoo kalena la horkeeno maxkamada.
Kiiska odayaasha dhaqanka loo haysto ayaa la xariira hadal ay dhawaan jeediyeen kaas oo ay ku taageereen Dawlada Federaalka Soomaaliua, islamarkaana ay soo horjeesteen shirarka iyo heshiisyada Puntland la gashay Itoobiya .