Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa munaasabadda curashada bisha shawaal ee ciidul fitriga ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray in Ummadda looga fadhiyo inay isu gurmadaan.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale shegay in shacabka soomaaliyeed logu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya isla markaana ay ka shaqeeyaan hormarka Dalka.
“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa bilashada 1-da shawaal ee ah maalinta kowaad ee ciidul fitriga ayaa bulshada ka codsaday in ay isgar gaaraan oo ay bulshada tabaaleysan wax u qabtaanβ ayuu yiri Raβiisul wasaare Cumar.