BAYDHABO–(WSR)-Magaalada Baydhaba waxaa lagu qabtay xaflad qalinjebin ah OO ay arday 30 ah kaga qalinjebinaysay dugsiga hoose, Dhexe Sare ee Al-Ma’rifa.
Xafladda qalinjebinta ah 00 ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale ayaa waxaa kamid ahaa dadkii ka soo qaybgalay gudoomiyaha gobolka Bay Dr. Cabdirashlid Cabdullaahi Maxamed, gudoomiyaha degmada Baydhabo Dr. Cabdullaahi Call Watlin, wasiirka waxbarashada KoonfurGalbeed, maamulka sare ee jaamacada Baay, maamulka sare ee jaaamacada USS, iyo gudoomiyaha ururka Bay Youth Academic Association.
Xafladda qalinjebinta ahayd ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydli dhameysatay dugsiga sare ayada 00 ay halkaasna khudbado u badnaa dar daaran iyo dhiirigelin ka jeediyeen masuuliyiintii kasoo qaybgashay xafladda.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo badanaya tirada iskuulada iyo jaamacadaha waxbarashada ayada 00 ay dhalinyaraduna inta badan ku dadaalayso xaga waxbarashada.
Magaalada ayaa hada waxaa kajiro 5 jaamacadood waxaana kamid ah, Baay University, Universityof Southern Somalia, Ganaane University, Upper Jubba university, sidoo kale magaalada waxa ay leedahay dugsiyo sare iyo hoose dhexe 00 ka badan 10.