Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddii uu ka jeediyay furitaanka shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016 ee ka furmay magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay arrimo aad u badan.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in madashaan ay tahay mid ay leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna matalayaan xubnaha shirsan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Seddaxdii Sano ee lasoo dhaafay ay dowladiisu u howlgashay fulinta Hiigsiga cusub ee 2016-ka, arrimo badanna ay u qabsoomeen.
Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in xilligaan aan haatan la haysan waqti badan, loona baahan yahay in laga faaβideysto waqti dhiman, laguna dhumin is qabqabsi ama fara isku taag.
WuxuuΒ ballan qaaday hadii ay yihiin hogaanka dalka inay ku dhaqaaqaan fulinta wax walba oo kasoo baxa madasha shirsan.
Madaxeynaha ayaa ka codsay dhammaan xubnaha ka qeybgalaya shirkaan in waxyaabaha aan madasha la xiriirin ee aan madashaasi ahayn in aan halkaasi looga hadlin, oo meelaha kale ee ay leeyihiin looga hadlo.
Shirka madasha wadatashiga doorashada 2016 ee maanta ka furmar magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalaya madaxda sare ee dowladda Federaalka, madaxda maamul gobaleedyada, xubno ka socda gobalada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Gobalka Banaadir iyo xubno matalaya ururada bulshada.