wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka KMG ah Koonfur galbeed soomaliya Shariif xasan shiikh aadan iyo wafdi uu Hogaaminaayo ay saakay ku wajahan Yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia
Afahayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir cashar Nadaara oo la Hadlay warbaahinta KGS ee Magaaladabaydhabo ayaa sheegay in wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ay ku wajahan Yihiiin saacadaha soo socda Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia
Dhanka kale afahayeenka Maamulka KMG ah Koonfur Galbeedka Soomaliya C/qaadir cashar Nadaara ma uusan shaacin sababaha safarka Madaxweynaha Maamulka KMG Koonfur Galbeed soomaliya shariif xasan shiikh aadan uu ku Tagi doono Magaalada addis Ababa ee xarunta Dalka Ethopia,