Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culumada Soomaaliyeed kana mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyay weerarkii saaka Alshabaab kusoo qaadeen dhismaha Hotel Saxafi ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii yaabka badnaa ee uu la kulmay.
Sheikh Nuur, ayaa sheegay in markii qaraxa koowaad uu dhacayay ku sugnaa qolka uuka degen yahay hotelka Saxafi, islamarkaana wuxuu sheegay inuusan ka dhex bixin qolkiisa, sida uu sheegay.
Sheikh Nuur wuxuu sheegay in qolka uu ka deganaa uu si caadi ah kaga maqlayay hadalada ay ku sheekeysanayeen dadkii weerarka ka geystay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan ku jiray qolkeyga waxaan maqlayay iyagoo dhahaya yaan rasaasta la iska dhameyn howlgalka kow ma joogee”sidaasi ayuu dadka la wadaagay Sheikh Nuur Baaruud Gurxan.
Dad badan oo xilal kasoo qabtay dowlada Soomaaliya iyo kuwo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkii Alshabaab ku qaadeen hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.