Baydhabo(WSR)- Waxa Maanta Wefdi  Ballaran oo uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ( Xasan Eelaay), ay gaareen Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool.

Wefdiga ayaa Kullamo La yeeshey Maamulka Degamda isla markaana waxay Ciidamo Ka Tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Gaareya 300 Askari oo loo tababarey Magaaladaasi ugu soo xireen Gudaha Degmada Tiyeeglow Kuwaaso Durbo Loo Qiibiyey Dareeska iyo Saanad Militiri.

Wasiirka Wasaaradda Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Eelaay ayaa sheegey in Ciidamadan Looga Tala galey in Guud ahaan  Ay Sugaan Amaanka Degmada iyo Degaanada Hoostaga  isla markaana waxa kale uu Sheegey in ay La Dagaalmi Doonaan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab oo  Go’doomisey inta badan Degmooyinka Gobolka Bakool Ee Koonfurt Galbeed Soomaaliya.

” Waxaan Maanta Tababar u soo xirney Ciidamo 300 Askari ah oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay qiib ka yihiin Guud Ahaan Ciidamo loo dhisaayo Degmooyinka Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa la siyey Agabkooda, waxaan rajeyneynaa dhawaan in aan tagno Degmo kale, waxaad ogtihiin in Ciidamo badan Maalin dhowd Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan sheikh Aden  iyo RW, CCC Sharma’arke Tababar ay ugu Soo Xireen Magaalada Baydhabo, waxaan dooneyna in aynu Ciribtirno Haraago Kooxda Nabadiidka” ayuu yiri Wasiirka Xasan Xuseen Maxamed

Sioo kale wasiirka waxa kale uu Tilmaamey in Xaaladaha Bini’aadanimo Ee Degmadaas ay wanaagsan tahay isla markaana wax dhib ah aysan ka taagneyn.

Ugu dambeyntii, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dooneysa in Guud ahaan ay Gancan ku dhigto Amaanka Gobolada, isla markaana ay isku furto wadooyinka Isku Xira Degmooyinka iyo Gobolada kuwaasoo qaarkood ay Gudoomiyeenka Kooxda Mayalka Adag Ee Islaamiga Al-shabaab oo Dagaal adag kula Jirto Ciidamada Soomaalida iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya AMISOM.