Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay maanta waxaa ka dhacday doorashada gudoomiyaha KMG ah ee barlanaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Kulan ay ku sugnaayeen 145 Xildhibaan oo uu ka koobnaan doono barlamanka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Gudoomiyaha barlamaanka Koofur galbeed loo doortay Cabdullahi Mursal Xuseen.
Gudoomiyahan ayaa noqday xildhibaanka ugu da’da weyn barlamaanka Koofur galbeed, taas oo keentay in si doorasho la’aan ah uu si kumeel gaar ah ugu hogaamiyo barlamaanka.
Maamulka Madaxweyne Shariif Xasan ee Koofur Galbeed ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya beelaha deegaanada gobolada Bay iyo Bakool.
Magaalada ceel-barde ayaa looga dhawaaqay maamulka Bakool sare oo kasoo horjeeda Koofur galbeed, halka beelo kale ay ka baxeen Koofur galbeed.
mch-buula-jadiid-furiyaan