Mudooyinkii dambe waxaa soo ifbaxaye shaqsiyaad aan matalin Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo sheegta Magaca NUSOJ ee ah dallabada ay ku bahoobeen Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka Cadeysay Hoggaanka NUSOJ in uu yahay Xoghayaha Guud Cumar Faaruuq Cismaan.
Go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka kadib ayaa maanta waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan ay yeesheen qeybaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee lagu soo dhaweynayo warka ka soo baxay Maxkamadda Sare.
Xoghayaha Guud Cumar Faaruuq Cismaan ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay go’aanka Maxkamdda isagoo tilmaamay in ay Maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad ka dhan Wasaarado ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad aan matalin Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee Nusoj.
Cumar Faaruuq ayaa dhinaca kale beeniyay warar uu ku tilmaamay kuwa dacaayad ah oo uu sheegay in laga fidiyo hoggaanka NUSOJ oo ku aadan in ay ka soo horjeedaan dowladda Federaalka, isagoo daboolka ka qaaday in aysan jirin wax ku xambaaraya in dowladda umadda Soomaaliyeed ay mucaaradaan.
Si kastaba Go’aanka Maxkaamdda Sare ee dalka ay soo saartay oo ku saabsan cidda ah hogganka NUSOJ ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan shir looga hadlayay arrimaha Saxaafadda Soomaaliyeed Wariyayaal Rug Cadaa ah oo aad uga dhex muuqda Saxaafadda Soomaaliyeed ay ku cadeeyeen shaqsiyaadka sheegtay Hogaanka NUSOJ in aysan matalin ee iyagu ay is Magacaabeen.