Gudoomiyaha Gobolka Bakool iyo wefdi uu hogaaminayey ayaa gaaray Degmada Waajid waxaana gudoomiyaha safarka ku wehliyey xildhibaano ka socday Koonfurgalbeed iyo odayaal dhaqameedyo ayado halkaasna ay kusoo dhoweeyeen dadweyne farabadan.
Wefdigan uu hogaaminaayey gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayna qayb ka ahaayeen xildhibaano ka socday baarlamaanka Koonfur galbeed iyo odayaal dhaqameedyo uu kamid yahay Malaaq cali Bare ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Waajid si diiran ugusoo dhaweeyey maamulka degmada wajid ee gobolka Bakool iyo bulshada inteeda kale.
Waxaana gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool iyo wefdigiisa salaan sharaf ay ka qaateen ciidamada Koonfur galbeed kadib waxay halkaasi kula hadleen Bulshada Degmadaasi.
Ugu horeyn gudoomiyaha Degmada Waajid oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay madaxdii soo booqatay oo ujeedadoodu ahayd in ay ogaadaan xaalada guud ee degmada Waajid.
Waxaa sidoo kale halkaasi hadal kasoo jeediyay Malaaq Cali Bare iyo Gudoomiyaha Bakool Maxamed Cabdi Tall ayagoo sheegay in wax laga bedeli doono xaalada Degmada Waajid.
Degmada Waajid oo horay xaalad nabadgelyo iyo mid nololeedba ku jirtay ayaa hadana waxaa ugusii darsoomay go’doominta ay ku hayaan dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.