Howlgalkan oo ay hogaaminayeen wasiirada hubka dhigista,tababarada maleeshiyadka,maaliyada,gadiidka iyo taliyaasha laamaha amaanka ayaa waxa ay kula dagaalmayeen isbaarooyinka yaala inta dhaxaysa degmooyinka baydhabo iyo Buur-hakaba ee gobalka By.
Howlgalka oo ay si wada jir ah uga qeyb qaadanayeen ciidamada daraawishta koonfur galbeed iyo kuwa dowlada dhaxe oo wata gadiidka dagaalka,waxaana markii danbe mas.uuliyiinta ay gaaren degmada buur-hakaba oo xaalad bani,aadanimo ay ka jirto.
Magaalada buur-hakaba oo wafdiga sacado ay ku sugnaayen ayaa waxaa bulshada ay aad uga cabanayeen xaalad biyo yaraan ah oo magaalada ka jirta iyo dhanka nolosha.