Shirka golaha Wasiirada ee xukumada faderaalka Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayay Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir, ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin abaaraha dalka ka jira, guulaha ciidamada amniga ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka soo hooyeen howlgalladii ay kaga hortegeen Al-Shabaab,
Waxaana golaha wasiirada ay cambaareeyeen falkii shalay lala beegsaday muwaadiniin isugu jirta Soomaali iyo Turki, ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho.
Intii uu socday shirka golaha wasiirada ayaa la isku raacay in la kordhiyo lacagtii ay dowladda ugu talagashay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ay ku dartay 1,291 oo dollar,
Waxaana lacagtaasi ay tahay mid laga jarayo shaqaalaha iyo howlwadeenada kale ee dowladda sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Wasiirka Maareeye, ayaa sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo guulaha ay ciidamada amaanka ee maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ka gaareen dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab.
Maalmihii u dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay waday dadaalo la doonayo in gurmad lagu gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.