Markii dowlada koofur galbed ay ku dhawaqqdey in degmooyinka qaar ee gobolada bay iyo bakool ee koofur galbeed loo tawabari doono ciidamo gaar ah oo sugeya amaanka degmooyinkooda ayaa waxaa inta badan degmooyin ka tirsan koofur galbeed gaar ahaana bay iyo bakool waxaa laga wada furey xirooyin ciidan kuwaa oo lagu tawabaraayo ciidamo ka mid noqoneya kuwa booliska gaarka ah ee dowlada koofur gabeed .
Degmooyinka baydhabo diinsoor buur hakaba qansax dheere iyo berdaale oo ka tirsan gobolka bay ayaa waxaa loo tawabarey ciidamo gaareya 300 boqol oo askari
Iyadoona iminka dhamaan xerooyinkii laga furey degmooyinkaas ee tawabarka uga socdey ciidanka lasoo wada xirey qalabkoodana lagu doonsiiyey
Sidoo kale gobolka bakool waxaa uu ka mid yahay meelaha laga furey dugsiyada ciidan waxaana ka mid ah meelaha laga furey xerooyinka degmada xudur ee xarunta gobolka bakool degmada waajid iyo degmada Tiyeeglow dhmaan degmooyinkasi iyana waxaa loo tawabrey ciidan gaareya min 300 oo askari .
Shariif xasan sh aadan madaxweynaha dowlada koofur galbeed waxaa uu ugu baaqey qaar ka tirsan golihiisa waziirada in ay gaaran degmooyinka ciidamada loo tawabrey iyagoo soo indha indheyneya xaaladaha ka jira deegaanadasi .
Dhawaan degmada tiyeeglow oo katirsan gobolka bakool waxaa gaarey wefdi uu hogaaminaayo waziirka wazaarada maaliyada sheikh xasan ibraahim lugbuur
Wefdigaasi oo isugu jirey xildhibaano iyo saraaakil ka tirsan dowlada koofur galbeed soomalia
Godoomiye kuxigeenka 1 aad eebaarlamaanka KGS taliyaha ciidamada booliska gaarka ah ee K G S ayaa ka mid ahaa wefdiga gaarey magaalda tiyeeglow .
Ujeedka safarkooda waxa uu ahaa in ciidan mudo tawabar uga socdey degmadasi tawabrkooda loo soo xiri lahaa isla markaana qalabkooda loo gaarsiin lahaa
Ciidamadan tawabarka dhameystey eek u sugan magaalada tiyeeglow waxaa ay u soo dhabar adeegeen tawabarkooda iyo sida ay uga go,antahay in ay sugtaan amaanka degmadooda sidaa waxaa yiri godoomiyaha degmada tiyeeglow ee maamulka koofur galbeed maxamed cabdulle food cade oo wefdiga soo dhaweeyey .
Cod
Maxamed sheikh c/lahi taliayaha ciidanka gaarka ah ee booliska K G S waxaa uu sheegey in ciidanka tiyeeglow uu yahay mid lagu deydo isla markaana guulo fara badan soo hooyey alshabaabna ka saarey Degmada tiyeeglow iyo deegaanada hoos yimaada .
Waxaana uu balan qaadey in taliskiisa uu ku dadaaleyo in ciidankan ay heli doonaan xuquuqdooda .
Cod
Waziirka wazaarada maaliyada sheikh xasan ibraahim lugbuur waxaa oo ku dheeraadey ka sheekeynta marxaladihii soo marey degmada tiyeeglow isgoona sheegey in uu ka mid ahaa dadkii ka saarey degmada tiyeeglow alshaabkii ka talin jirey mudadii 8 sano aheyd .
Cod
Ciidamadan waxaa wajigooda laga daremaayey farxad iyo kalsooni maadaama ay tawabar ay ku jireen 6 bilood isla markaana iminka loo dhameystirey qalabkooda
Dhankoodana waxaa ay balan qaaden in ay howlgal ka dhan ah allshabab ay qaadi doonaan .
Tiyeeglow oo dhanka koofureed kaga began magaalda beled weyne ee gobolka hiiraan ayaa ah degmada kali ee aanan go,doonka saarneen waxaana sidoo kale ay can ku tahay wax soo saarka beeraha iyadoona inta badan laga soo qaado malabka oo soomaalida ay u isticmaalaan daawo iyo miraha canabka
Beero aad u waaweyn ayaad ku arkeysaa gudaha magaalda tiyeeglow ee gobolka bakool .