Kooxda Arsenal ayaa laga soo xigtay inay ku kalsoon tahay gacan kusoo dhigista xidiga xulka Jarmalka iyo naadiga VFL Woflburg u cayaaroย Julian Draxler.
Waxaa la sheegay in kooxda Wolfsburg ugu yaraan 10-cayaaryahan iska iibin doonto waxaana ugu horeeyo xidigaha ay fasixi doontoย Julian Draxler.
Wargeska The Bild ayaa qoray in Arsenal ayย Julian Draxler kusoo iibsan doonto aduun lacageed oo gaarayoย โฌ60 million.
Wargeska The Bild wuxuu sheegay in Arsenal xidigan sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo qaadan doonto madaama 22-jirkan uu soo dhaweeyay dalabka uu Waqooyiga London kusoo aadayo.
Warbixintaan waxaa lagu sheegay in naadiga Wolfsburg ay iibin doonto 10-cayaaryahan oo caan ah waxaana ka mid ahย Andre Schurrle oo kusii dhawaanaya ku biiritaanka naadigaย Borussia Dortmund,.
Sidoo kale xidigaha Wolfsburg xagaagan iska iibin doonto waxaa ka mid ahย Ricardo Rodriguez, Luiz Gustavo, Vieirinha, Daniel Caligiuri, Bas Dost, Diego Benaglio iyoย Max Kruse