Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu kansalay safarkii uu ku aadi lahaa dalka Turkiga kadib afgambigii fashilmay ee xalay ka dhacay dalkaas.
Xidigaan reer Argentina ayaa ku qornaa inuu maanta oo sabti ah u duulo dalka turkiga si uu kaga qeyb galo kulanka tabarucaadda oo uu soo abaabulayย Samuel Etoโo kaas oo la qorsheeyay inuu ka dhaco Antalya.
Balse Messi ayaan u safri doonin Turkiga isagoo qosykiisa la joogi doona Ibiza kadib markii xalayto dalka turkiga uu ka dhacay Afgambi fashilmay iyadoo wadooyinka lagu arkay taangiyo iyo sidoo kale Askar.
Dhanka kale Barcelona ayaa warbixin ku shaacisay in Messi iyo Iniesta oo kulankaas ciyartoyda ka qeyb galeysa ka mid ahaa aysan ku sugneen Turkiga sidoo kalana waxey ka warameen xaaladda ciyaartoydii horay usoo martay kooxda sida: Puyol, Etoโo, Deco iyo Abidal oo dalka turkiga ku sugan.
โCiyaartoyda Barcelona Andreas Iniesta iyo Leo Messi, kuwaas oo ku qornaa kulanka saaxiibtinimo ee Turkiga kaas oo uu soo abaabulay xidigii hore Barca Samuel Etoโo waxey ku sugan yahiin Spainโ
โSidoo kale xiddiga Barcelona Arda Turan, iyo ciyaartoydii hore Barcelona Puyol, Deco, Abidal iyo sidoo kale agaasimahii hore kooxdaย Alejandro Echevarria waxey ku sugan yahiin Turkey, balse wey ka fogyahiin goobaha qatarta ay ka jirto kadib markii ay kooxda xiriir la sameysayโ