WRB:Thierry Henry ayaa qirtay inuu weli ku riyoonayo inuu maalin uun tababare ka noqdo Arsenal.
Halyeeyga Arsenal ayaa ka tagay shaqadiisii tababarenimo ee akadeemiga kooxda Arsenal ka dib markii uu Arsene Wenger kala dooransiiyay inuu shaqada tababarenimo u go’o ama inuu u go’o shaqadiisa khabiirnimo ee Sky Sports.
Laakiin waxa uu shaqo adag ugu jiraa inuu helo leysanka ugu sareeya ee tababarenimo, waxaana uu u sheegay The Sun: “Been ayaan sheegayaa haddii aan idiin sheego in shaqada tababarnimo aysan aheyn wax aan rajeynayay sababtoo ah waan jeclahay Arsenal.
“Kubada cagta waa ciyaar aan dareen xoog ah u hayo, waana u heyn doonaa mar walba. Waan jeclaan lahaa inaan tababare noqdo – laakiin waan ka fogahay.
“Inkastoo aan tababare u noqon karo koox kasta, waxaan weli doonayaa inaan ku baaso qaadashada leysanka tababare ee ugu sareeya ee UEFA taasoo ay ka shaqeynayo haatan.”