WRB:Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu gacanta ku soo dhigo daafac midig ee reer Brazil ee u ciyaara kooxda Faransiiska ee Monaco Fabinho isagoo kula soo wareegaya heshiis 22 milyan ginni ah, sida ay qortay jariirada Ingariiska ee The Sun.
Macalinka cusub ee Manchester United iyo daafaca midig ee aadka loo qiimeeyo ee kooxda Monaco ayaa wadaaga hal wakiil ah, waana wakiilka awooda badan ku leh kubada cagta ee Jorge Mendes.
22 jirkaan ayaa 41 kulan u saftay kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay mudadaas lix gool.
Xiddiga reer Brazil Fabinho ayaa la joogay kooxda daβ yarta Real Madrid ee Castilla markii uu Mourinho tababare ka ahaa kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.
Mourinho ayaa durbaba xagaagan la soo wareegay Henrikh Mkhitaryan, Zlatan Ibrahimovic iyo Eric Bailly, waxaana sidoo kale diirada u saaran xiddiga kooxda Juventus Paul Pogba kaasoo la sheegay inay ku doonayaan lacag noqoneysa rikoorka dunida ee kubada cagta.