WRB:Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday goordhaweyd in kulankii saaxiibtinimo ee koobka International Champions Cup ee duhurnimada maanta dhexmari lahaa iyaga iyo Manchester City in la kansalay sababo la xiriira cimilada xun ee dalka Shiinaha.
Kulankaan ayaa ku balansanaa inuu dhaco caawa fiidkii waqtiga Shiinaha marka ay tahay 7:30pm, oo ah 2:30pm waqtiga Bariga Afrika, laakiin roobab xoogan oo dufaano wato oo ka da’ ayay Shiinaha iyo kuleyl daran oo jira aawadeed waa la kansalay kulankii maanta.
Roobab xoogan oo ka da’ ayay magaalada caasimada ee Beijing ayaa ka dhigay garoonka Bird’s Nest mid aan lagu ciyaari karin iyadoo uu xitaa ka dhashay fangas, inkastoo la qoday laguna bedelay caws cusub meelaha uu fangaska ka dhashay hadana roobab kale oo habeenkii da’ ay ayaa qaaday cawskii cusbaa taasoo garoonka ka dhigtay mid aan lagu ciyaari karin.
“Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee dhanka cimilada aawadeed, qaban qaabiyayaasha tartanka iyo kooxaha ka qeyb qaadanaya waxa ay go’aan ku gaareen inay kansalaan kulankii caawa ee International Champions Cup” ayay Manchester United ku soo qortay bogeeda rasmiga ah ee Twitter.
Kulankaan ayaa la filayay inuu noqdo kulankii ugu horeeyay ee muddo afar sannadood ah oo ay isaga horyimaadaan tababarayaasha xafiiltanka ba’an uu ka dhaxeeyo ee Pep Guardiola iyo Jose Mourinho. Sidoo kale waxa uu kulankaan noqon lahaa kulankii ugu horeeyay ee Manchester Derby ee abid lagu ciyaaro meel ka baxsan UK.