Arbacow(WRB)Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa weerar khasaare geystay oo xalay lagu qaaday ciidanka AMSIOM oo saldhig ku leh Deegaanka Arbacow ee ka tirsan Duleedka Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa la sheegay in ay qaadeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyagoo Tiro Madaafiic ah ku garaacay fariisin ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow, waxaana halkaasi ku dhexmaray Dagaal kooban labada dhinac.
Mid ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa Warsanradio.com usheegay in Dagaalka uu ahaa mid kooban, sidoo kalena uu geystay khasare soo kala gaaray labada dhinac.
Waxa uu sidoo kale sheegay goob joogaha in hada xaaladu ay tahay mid degan oo Dagaalka uu joogsaday.
Ilaa iyo kama aysan ka hadlin AMISOM weerarkan caawa lagu qaaday xarun ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow oo ka tirsan Duleedka magaalada Muqdisho.