Waxaa xafiiska warqabadka warbaahinta warsan, gaarsiye.com iyo wadaninews24.com ee dalka norway la soo xiriirey Madaxweyne Ku xigeenka Adna Madaxa Siyaasada maamulka juba ganaane state adna waxaana uu eedeen dusha ugu tuurey maamulka puntland.
Madaxweyne Ku xigeenka Adna Madaxa Siyaasada Jaylaani Maxamed coof ayaa si kulul u eedeyay maamulka cabdiweli gaas waxaana uu sheegay in gumaad iyo dhac ay u geysteen dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.
Jaylaani Maxamed Coof ayaa uu amaaney shacabka puntland asigoona waxba u reeban maaulka cabdiweli maxamed gaas waxaana kuu sheegay in ay marmarsiiyo u raadiyaneyaan sidii ay u dhici lahaayeen hantida dadkaasi sida hadal u dhigey.
Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale sheegay in caruurtii maxaabiista u ahaa ee shabaabka ka tirsanaa maamulka Puntland ula dhaqmeyaan si aan munaasib aheyn waxaana sidoo kale amaaney qaabta maamulka galmudug ula dhaqmeyn maxaabiistii shabaab laga qabtey.
ugu dambeyn ayaa waxaa sidoo kale waxkama jiraan ku tilmaamay heshiiskii ay wada galeen beesha sade iyo maamulka juba asigoo ku tilmaamey in weelo walaala ah heshiisey, waxaan kaloo ku hanjabay in meelaha ay shirarka ku qabsaneyaan ee degmooyinka iyo deegaanada jubba aysan faragelinkarin, asigoona sheegay in la dagaalami doonaan hadii ay ku soo xadgudbaan.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso.