Muqdisho(WRB)Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa amray in la furo wadooyinka xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir aysan aqbali doonin xirnaanshaha Qaar ka mid ah wadooyinka muhiim ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Dadka ay u xiran yihiin wadooyinka ayuu ugu baaqay in ay furaan wadooyinka , islamarkaana ay ka qaadaan dhagaxaad waa weyn ee ay soo dhoobeen.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay ugu baaqay in la furo wadooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho oo qaarkood u xiran yihiin hay’ado ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Safaarado laga leeyahay dalalka Caalamka.