Guddiga doorashooyinka Dadban ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha looga baahan yahay dadka doonaya in ay u tartamayaan Aqalka Sare ee dalka.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Ma’suuliyiin haya xilal kale ay u tartamaan doorashada Aqalka Sare.
Musharixiinta ayay ugu baaqeen in ay soo gaaraan magaalada Cadaado oo ah halka ay ka dhaceyso Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Galmudug.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka maamulka Galmudug Yuusuf Diiriye ayaa Saxaafada u aqriyay Shuruudaha laga rabo dadka ku tartamaya xubnaha Aqalka sare ee deegaanada maamulka Galmudug.