Culimada maamulka Puntland ayaa ka hadlay howlaha doorashooyinka ee ka socda dalka gaar ahaan deegaanada maamulka Puntland.
Culimada maamulka Puntland ayaa ugu baaqay madaxda maamulka Puntland in ay ka shaqeeyaan midnimada shacabka kunool deegaanada maamulka Puntland iyo sidoo kale guud ahaanba dalka Soomaaliya.
Culimada maamulka Puntland ayaa ugu baaqay madaxda maamulka Puntland in ay soo xulaan dad karti leh oo ka shaqeyn karaa ammaanka iyo sidoo kale midnimada umada Soomaaliyeed.
Waxa ay sidoo kale ka hadleen culimada maamulka Puntland abaaro baahsan oo ka jira qeybo badan oo ka tirsan deegaanada maamulka Puntland , waxaana ay umada muslimiinta ah ugu baaqeen in ay soo gar gaaraan dadka dhibaateysan.