Sanadkan sii socda eel abada kun lix iyo tobanka, Baydhabo wuxuu u ahaa sanad farxad iyo murug labadaba ku soo maray,waa mare waxay martigalisay shirkii madasha hogaamiyayaasha Qaranka, doorashooyinkii dadbanaa ee lagu doortay wakiilada labada aqal, hoose iyo sare kasoo lagu doortay 69 xildhibaan ee aqalka hoose ee baarlamaanka dowlada dhexe iyo sidded xubnood oo ahaa wakiilada aqalka sare dowladda federaalka soomaaliya oo ka qayb noqon doona mudanayaasha cusub ee soo dooran doona gudoomiyaha baarlamaanka federaalka iyo madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona dalka.
Inkastoo dhacdooyinkaas farxadda leh sanadkan Baydhabo u danbeeyeen, waxaa xusid mudan dhacdooyinkii muragada lahaa ee horaantii sanadkan dabyaaqada ah Baydhabo soo maray, taasoo qof walba oo maalintaas Baydhabo joogay maankiisa ka baxaynin.
Waxay ahayd galab axad ah taariikhduna ay ku beegnayd 28kii bishii 2aad 2016 markii mar kaliya uu yeeray qarax dhawaaqiisa la maqlay gudaha iyo daafaha Magaalada Baydhabo, kaasoo ka dhacay maqaayad ay fadhiisan jireen dhalinyarada iyo odayaasha Magaalada Baydhabo.
Waxaa cirka isku shareeray uuro madow oo qof walba oo joogay duleedka magaalada uu arkayay, Saaxiibo wada fadhiyay oo daqiiqad ka hor wada sheekaysanayay oo farxad kuwada qoslaayay ayaa isu badalay hilib gubtay, lafo madoobaaday iyo gabalo hadba meel ku faniinay, waxaa daaday dhiig maati waxba aan galabsan oo farxad ku jalbeebayay oo dhaawac iyo mayd noqday.
Waxaa xigay qarax kale oo qof isa soo miidaamiyay uu la dhex galay dad cuntaynayay iyo kuwa ku casiriyo dhamayay maqaayadda Bader oo ku taalay agagaarka ka soo horjeedka shirkadda isgaarsiinta Nation link.
Dadka maqaayadda joogay waxay qaar wey shaahayeen qaar way cashaynayeen qaarna waxay daawanayeen ciyaar ku tirsanaysay Horyaalka (premiership) ka Ingiriiska.
Ismiidaamiyaha wuxuu galay maqaayadda isagoo ordaya oo ay u jeedadiisu tahay in uu isku qarxiyo dadkaas.
Qaraxyadu waxay ahaayeen mataano isku xiga oo la tagay nolosha inkabadan 50 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 70 qof oo isugu jiray kuwa dhaawacooda fududaa oo isbitaalaka Baydhabo wax looga qabakaray iyo kuwa qabay dhaawac culus oo wax looga qabin Karin isbitaalka Baydhabo kuwaasoo dhaawacooda loo qaaday Magaalada Muqdisho.
Marxaladan muragada iyo farxadaba lahaa ee soo maray Baydhabo, waxay dhaceen bilaawgii, bartamihii iyo dabayaaqadii sanadkan idlaaday ee maalmaha un ay ka harsanyihiin.
Hadaba same iyo wanaag wuxuu lahaa sanadkan 2016ka maalmaha kooban ay ka harsanyihiin bilaawgiisii Baydhabo dhiig daaday dadkeedii qaar ku dhinteen iyo dhaawac qaar wali la dawaynayo ayay ku soo dhawaysay dabayaaqadiisii doorasho dubutaati aqal sare iyo aqal hoose iyo damaashaad madaxweyne halayga doorto ayay ku sii sagootinaysaa, kan soo socdana Alle in uu uga dhigo sanad khayrqaba oo sidii koo hore hertidiisa aafaynain dabayaaqadiisan haraantidiisa ka nabad gasho.
Aamiin. Aamiin . Aamiin.