Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku ridday 6 Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u sheegay in Raggan la xakumay ay ka mid ahaayeen Shabaabkii weeraray Degaanada Galmudug.
Lixdan nin ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Galmudug kuwaas oo ku soo wareejiyay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda.
Al-shabaab ayaa horey waxa ay weerar uga geysteen Degaano ka tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana weeraradaasi lagu qabtay Dagaalyahano badan oo Shabaab ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay natiijada xukunka lagu riday raggan Shabaabka ah.