{WARSANRADIO} Illaa 80 ruux ayaa ku geeriyootay 350 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ka dhacay goob diblomaasiyiinta ku badan yihiin magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Qaraxa ayaa dhacay subaxdii hore ee saakay xilliga afghanistan, waxaana ay aheyd saacado mashquul ah, dadkana ay aad uga badnaayeen goobta qaraxyada ka dhaceen.
Warbaahinta Afghanistan ayaa sheegeysa in dadka ugu badan ee ku dhintay qaraxa ay u badan yihiin dad rayid ah.
Qaraxa ayaa waxaa uu waxyeelo soo gaarsiiyay Safaaradda Faransiiska ee Afghanistan, waxaana goobta uu ka dacay oo lagu magacaabo Zanbaq Square ay tahay goob ay safaarado badan degan yihiin.
Kooxda Taalibaaan ayaa beenisay inay ka dambeysay weerarka, sidoo kale ma jirto wax war oo ka soo baxay kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ah ee ISIS.
Labadan kooxood ayaa horay weeraro dhiig badan ku daatay uga geystay Kabul iyo magaalooyinka kale ee dalka Afghanistan.