(Muqdisho, WARSAN RADIO) Dadaal dheer oo ay si wadajir ah u bixiyeen
Dawladda Soomaaliya iyo Shirkadda gaarka loo leeyahay ee hirgelisay
adeegga Fiber Optic-ga ayaa waxaa lagu guuleystay in dib loo soo
celiyo adeeggii internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Muddadaas ku dhow 3da toddobaad waxaa dalka soo gaaray khasaare
dhaqaale oo taabtay qeybaha kala duwan, sida ganacsiga, waxbarashada,
caafimaadka iyo adeegyada dawladda.
Haseyeeshee, waxa ay Wasaaradda boostada, Isgaarsiinta iyo
Tiknoolojiyadda dadaal aan kala go’ lahayn u gashay sidii loo yareyn
lahaa khasarahaas, Shirkadda gaarka loo leeyahay ee adeegga gacanta ku
haysana looga caawin lahaa xallinta arrintan.
Annaga oo ka faa’iideysaneyna fursaddan, ayaa waxa aynu jecelnahay
inaan dhinacyada kala duwan la wadaagno tilmaamaha aan dooneyno in
looga gaashaanto dhibaato noocan oo kale ah:
1. In si degdeg ah loo ansixiyo Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo
qeexaya mas’uuliyadaha dhinac kasta. Sharcigu wuxuu dadweynaha
siinayaa awood ay magdhaw ku weydiisan karaan haddii shirkadaha ay ka
soo bixi waayaan adeeggii ay heshiiska kula galeen.
2. Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo adeegyadda Internet-ka waxaa laga
doonayaa inay sameyaan qaab xarigga looga ilaalin karo maraakiibta ku
soo xiraneysa Dekedda Muqdisho, taasoo u baahan inay isla qorsheeyaan
hay’adaha kale ee dawladda ee ay arrintaas khuseyso.
3. Shirkadaha ka shaqeeya internet-ka waxaa la farayaa inay
sameystaan khad kale oo keyd ah (backup) si haddii mid cillad ku
timaado ay ugu badbaadaan khadka kale.
4. Waxaa ganacsatada lagu baraarujinayaa in ay dalka ka furantahay
fursad ganacsi oo ay ku maal-gashan karaan xargo kale. Baahida
internet ee sii kordheysa iyo kalsoonida lagu qababa waxay muujinayaan
in loo baahan yahay xarko kale.
5. Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe qaran oo ay qeyb ka
noqon doonaan dhamaan daneeyayaasha isgaarsiinta dalka, kaas oo
damaanad qaadi doona helitaanka isgaarsiin tayo leh, la isku halayn
karo oo la awoodi karo, kuna baahsan dhammaan dalka oo dhan.
1.
In si degdeg ah loo ansixiyo Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, kaasoo
qeexaya mas’uuliyadaha dhinac kasta. Sharcigu wuxuu dadweynaha
siinayaa awood ay magdhaw ku weydiisan karaan haddii shirkadaha ay ka
soo bixi waayaan adeeggii ay heshiiska kula galeen.
2.
Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo adeegyadda Internet-ka waxaa laga
doonayaa inay sameyaan qaab xarigga looga ilaalin karo maraakiibta ku
soo xiraneysa Dekedda Muqdisho, taasoo u baahan inay isla qorsheeyaan
hay’adaha kale ee dawladda ee ay arrintaas khuseyso.
3.
Shirkadaha ka shaqeeya internet-ka waxaa la farayaa inay sameystaan
khad kale oo keyd ah (backup) si haddii mid cillad ku timaado ay ugu
badbaadaan khadka kale.
4.
Waxaa ganacsatada lagu baraarujinayaa in ay dalka ka furantahay fursad
ganacsi oo ay ku maal-gashan karaan xargo kale. Baahida internet ee
sii kordheysa iyo kalsoonida lagu qababa waxay muujinayaan in loo
baahan yahay xarko kale.
5.
Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe qaran oo ay qeyb ka noqon
doonaan dhamaan daneeyayaasha isgaarsiinta dalka, kaas oo damaanad
qaadi doona helitaanka isgaarsiin tayo leh, la isku halayn karo oo la
awoodi karo, kuna baahsan dhammaan dalka oo dhan.
Wasaaraddu waxay ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad
celineysaa dulqaadkii ay muujiyeen muddadii uu maqnaa khadka. Waxaana
rajeyneynaa in haddii la fuliyo talooyinkaas in laga gaashaaman doono
inay soo noqoto cillad noocan oo kale ah.
DHAMMAAD