Ayadoo mudoyar keliya ay kaharsantahay maalinta ciidul fidriga oo ay muslimiinta meelkastoo ay joogaan kuweyntahay ayaa dadka muslinka ah ee kudhaqan magaalada Baydhabo waxa ay si weyn ugu diyaar garoobayaan Ciida waxaana suuqyada magaalada laga dareemaya dhaqdhaqayo waxkala iibsi ah oo xoogan oo markasi lagu kala iibsanayo waxyaabaha lagama marmanka ah ee la isticmaalo maalmaha ciida sida dharka,kabaha, alaabaha carurta kuciyaarto, cunooyinka gaarka ah ee dadku isku casumaan xiliga ciida iyo waxyaaabaha yaryar ee haweenka isku qurxiyaan.
Mar maanta warbaahinta warsanradio wadaninews24 guud ahaan magaalada Baydhabo ay socod kumartay ayaa waxaa ay la sheekaysatay dadka iyagu ku mashquulsanaa wax kala iibsiga iyo udiyargarowga ciida waxayna dadka intooda badani sheegayaan in ay siweyn usoodhaweynayaan ciida ayna rajeynayaan in ay farxad iyo horumar ku Ciidaan.