Munaasabadda Ciidul Adxa oo ay shacabka Soomaaliyeed u yaqaanaan (Ciidda Weyn) ayaa looga dabaaldegay inta badan gobollada dalka, ayadoo ciiddan ay uga duwantahay ciidaha kale, in ay tahay ciid caan ku ah sadaqada, iyo in la gowraco xoolaha, kuwaa oo ay dadka Muslimiinta ahi siiyaan dadka danta yar.
Magaalada baydhabo ayaa laga dareemayay maanta u dabaaldegga ciidda, ayadoo dadweeynaha ay maanta isugu soo goroonka kubada agta Dr Ayuub
halkaasoo Madaxweynaha Shariif xasan sheekh aadan iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ay salaadda kula tukadeen boqollaal shacab ah.
DAAWO MUQAALKAAN VIDEOGA AH